Al Shabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Nin ay Sheegeen inuu Aflagaadeeyay Nabiga

Al Shabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Nin ay Sheegeen inuu Aflagaadeeyay Nabiga

daajis.com:- Uururka Al-shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay meel fagaare weyn ah oo ku taalla degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ku toogtay nin kamid ahaa dadka deegaanka islamarkaana ay sheegeen in uu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan oo sodon sano jir ah, waxaana kolkii la dilayay fagaaraha xaadir ahaa boqolaal dad weyne ah oo daawanayay.

Ninkan ay Al-shabaab toogteen ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamuud Mursal Muuse ,waxaana da’diisa lagu sheegay 30 jir, waxaana lagu dilay Goob fagaare ah oo ku taala Magaalada Jamaame.

Sidoo kale Qaadi u hadlay Al-shabaab ayaa intaa ku daray in Ninkaan ay toogteen lagu helay Cadeymo ah in uu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH islamarkaana uu Qirtay.

Waa markii ugu horeysan oo Al-shabaab ay dilaan qof ay sheegeen in uu u gafay Nabigeena Maxamed NNKH.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada