daajis.com:- Hay’adda danbibaarista FBI-da ee dalka Mareykanka ayaa xirtay Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu u hanjabay Saraakiil ka tirsan FBI-da, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Laamaha ammaanka dalkaasi.
Maxamed Abuukar Saciid, ayaa lagu sheegay magaca wiilkaan Soomaaliga ah waxaana eedeyntiisa ay tahay in barta xiriirka Bulshada ee Internet-ka ee Twitter-ka uu ugu hanjabay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Mareykanka.
Waxaa la sheegay in wiilkaan uu soo dhigay barta Twitterka Sawir shaqsi uu ku eedeynaayo inuu ka dambeeyay xariga loo geystay Wiilal Soomaali Ameerikaan ah oo u xiran FBI-da Mareykanka.
Maxamed Abuukar Saciid, ayaa ciidamada FBI ay ku xidheen shalay gelinkii dambe magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo ka mid ah Magaalooyinka Soomaalida ay ku badan yihiin.
Wiilkan ayaa dhawaan waxaa la xiray lix wiil oo Soomaali ah oo ay saaxiibo ahaayeen waxaana lagu soo eedeeyey inay ku biiri rabeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at