daajis.com:- Wiil Soomaaliyeed oo Aroos ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ku qabsatey dalkaas Mareykanka dhacdo la yaab iyo murugo leh ka dib markii uu arooskiisii uu ku soo dhamaaday in xabsiga la dhigo laguna soo eedeeyo inuu Kufsi iyo jirdil uu u geystay gabadhii xaaskiisa ahayd ee uu guursanaayey.
Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamed S. Cabdullaahi oo 30 sano jir ah oo ku nool magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in la siiyey gabar dhalinyaro ah ka dib markii qoyskiisa iyo qoyska gabadha dhalay ay isku af garteen oo ayna ku heshiiyeen arintaas iyadoona loo nikaaxiyey gabadhaas, Gabadhaas oo aan magaceeda la shaacin ayaa la sheegay inay da’adeedu tahay 18 ama 19 sano jir ayaa iyadu waxay diiday oo ay ka hortimid inay aroosto wiilkaas Soomaaliyeed oo la siiyey,
Laakiin qoyska dhalay gabadhaas ayaa iyagu ku Nikaaxay wiilkaas ka dibna si xoog intey gabadhaas ku soo qaadeen ugu soo tuurey guriga wiilkaas Aroosay, Intaas ka dib ayaa wiilkaasi waxaa uu garaacid, Qaniinyo iyo Ceeji uu isugu daray xaaskiisa la siiyey asagoo sidoo kalena halkaas ku kufsaday, gabadhaas la soo qasbay ayaa intaas ka dib waxay xiriir la sameesay saaxiibteed taas oo fariin gaarsiisay Booliiska magaalada oo iyagana ku guuleystay inay gabadhaas ay soo badbaadiyaan islamarkaana ay xabsiga dhigaan Wiilkaan Soomaaliga ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at