daajis.com:- Indonesia ayaa madaxda safaaradaha dalkeeda ku yaalla weydiisatay inay ka qeybgalaan dilka ugu yaraan 10 qof oo ajaaniib ah oo lagu eedeynaayo dimbiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada.
Waxa loo sheegi doonaan hanaanka loo marayo dilka dadkan lagu fulinayo. Ujeedada arrintan ayaa waxa ay tahay in maxaabiistan si degdeg ah loo dilo.
Qaar ka mid ah dowladaha caalamka ayaa ka digay halista ka dhalan karta haddii dilkaasi uu dhaco.
Laba qof oo u dhalatay Australia ayaa ka mid ah dadka dilka lagu xukumay ee la doonayo in lagu fuliyo.
Julie Bishop oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Australia oo warbaahinta kula hadashay xarunta NATO ayaa u digtay Indonesia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at