daajis.com:- Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in weeraro dheeraad ah ku qaadayaan Kenya, iyagoo faah faahiyay sababihii ay u weerareen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo 147 ruux oo arday u badnaa ay ku dileen.
War saxaafadeed ka soo baxay Al-Shabaab, kuna qornaa afka Ingiriiska ayaa si qoto dheer loogaga hadlay sababta keentay weerarkaas inuu ahaa waxa loogu yeeray gumaadka Ciidanka Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Waa xaqiiq laga wada dharagsan yahay in dowladda Kenya ay ku kacday gaboodfalo ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta bariga Africa. Laga soo bilaabo xasuuq wadareedyadii taariikhda galay ee Wagalla iyo Garissa oo ku dhawaad toban kun (10,000) oo Muslimiin ah lagu gumaaday iyo sidoo kale dilalka aan loo meeldayin ee lagu hayo Muslimiinta, waxay Ihaanada ka dhan ah dadka Muslimiinta u soo jiitameysay sidan oo kale, waxayna dhaawacyo qoto-dheer oo nafsaani ah ku abuurtay quluubta dad badan oo Muslimiin ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay gacmaheeda ku kasbatay in mudwaadiniinteeda ay bartilmaameed u noqdaan dagaalyahanadooda, kadib markii ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya ay dhibaatooyin iyo xasuuq u geysteen shacabka ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo sida lagu yiri war saxaafadeedka
“Gudaha Soomaaliya, ciidamada Kenya waxay ka geysteen xasuuq aan tirakoob lahayn oo ka dhan ah bulsho-weynta Muslimiinta, iyagoo ka duulaya awaamiirta ay ka heystaan dowladooda, Ciidamada Kenya waxay gudaha Soomaaliya ka geysteen dilal wadareedyo, jirdil iyo Kufsi aan loo meeldayin oo ka dhan ah dumarka Muslimiinta, Tobaneeyo kun oo Muslimiin ah ayaa guryahooda laga barakiciyey, boqolaal kale waa la dilay, halka kumanaan kalena la dhaawacay, arintaas oo ah Natiijada ka dhalatay duulaankood”ayaa lagu yiri War saxaafadeed.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka geysteen xeryaha barakacayaasha, isbitaaada, isla markaana hawada sare ka soo weerartay dhamaan deegaanada, isla markaana ay leysay xoolihii, goobihii waxbrashadana duqeysay.
Al-Shabaab ayaa tilmaamtay in ciidankii weerarka ka fuliyay Gaarisa ay ku dadaalayeen ilaalinta dhiiga muslimiinta, isla markaana kala saaraan dadka muslimiinta iyo masiixiyiinta, isla markaana ay laayeen dadkii Kenyatiga ahaa ee aan muslimka aheyn.
“Weeraradaas midkii u dambeeyey wuxuu ahaa howlgalkii ay Mujaahidiintu ku qaadeen Jaamacadda Garissa. Abaare saacadu markey ahayd sagaal saac oo habeenimo ayey Mujaahidiintu xoog ku galeen xarunta Jaamacadda, Iyagoona durbaba beegsaday goobihii ay daganaayeen Kufaarta, ka dibna hal meel isugu keenay dhamaan dadkii halkaas ku jiray. Weerarku wuxuu beegsanayey kaliya gaalada. Dhamaan wixii Muslimiin ahaa halkaas si nabadgalyo ah ayey kaga soo saareen Mujaahidiintu sababtoo ah dhiig Muslimku waa qaali halka dhiigga Kufaartana uusan wax bad-baado ah heleynin ilaa in Iimaan laga helo ama balanqaad Amaan la siiyo mooyee” ayaa bayaanka lasii raaciyay bayaanka.
Ugu dambeyn War saxaafadeedka Al-Shabaab ayaa waxaa fariin loogu diray dowladda Kenya, “Fariinteenu waa mid uu dhiig la socdo, mana ahan mid ereyo ku qoran, ee waxaan idiin kugu soo diri doonaa dhiiga dadkiina sidaas darteed wixii hadda ka dambeeya siiqota xabaalahooda oo diyaarsada karfantii aad ku dabooli lahaydeen”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at