Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Gaarissa

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Gaarissa

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa telefoonka kula xiriiray dhigiisa Kenya, si uu u cambaareeyo weerarkii ay al-Shabaab Khamiistii ku qaaday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa.


Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhimatay 147 qof oo arday u badan.

Mr Obama ayaa weerarka ku tilmaamay ficil aad u xun, waxaana uu intaa ku daray in dhammaadka sanadkan uu booqasho ku tegi doono Kenya.

Booliska magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyay ay ku hadlayeen luuqada Sawaaxiliga, balse ay u muuqdeen kuwa laga hagayo telefoonadooda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in la helay afar qof oo dheeraad ah oo ka bad baaday weerarkii Khamiistii, laba ka mid ahna ay yihiin la tuhunsanayaal.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada