AMISOM oo dib u heshay Askari uga lumay dagaal ay Alshabaab kula galeen Balli-doogle

AMISOM oo dib u heshay Askari uga lumay dagaal ay Alshabaab kula galeen Balli-doogle

daajis.com:-  Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lagu sheegay in Taliska uu ku guuleystay helida Askari ka tirsanaa Ciidamada oo ka lumay xili ay ku jireen Dagaal kala dhexeeyay Xoogaga Alshabaab.

Askaringaani oo muddo Asbuuc ah ay AMISOM baadi goobeysay, ayaa waxaa maanta suuragashay inay helaan, waxa uuna ku ambaday Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Helida Askarigaani ayaa waxaa ka qeybqaatay Ciidanka Xooga Dalka, oo maanta helay macluumaad muujinaya halka uu askarigaasi ku sugan yahay, ayaa waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xeradii uu ka tirsanaa.


Askarigan oo u dhashay dalka Burundi, ayaa la soo helay isagoo ku hubeysan laba qori, sida ay xaqiijiyen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xooga Dalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Ciidamada AMISOM oo aan aqoon ku filan u laheyn deegaanada iyo wadooyinka dalka, ayaa waxa ay xiliyada dagaalka ku lumaan Goobaha ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada