Biyo buux dhaafiyay Terminal-ka cusub ee Aadan Adde International Airport

Biyo buux dhaafiyay Terminal-ka cusub ee Aadan Adde International Airport

daajis.com:- Terminalka cusub ee Garoonka Aadan Adde, ayaa waxaa lagu soo waramayaa ineey buux dhaafiyeen oo gudaha u galeen Biyo badan oo uu sababay Roobka saakay ilaa hadda Muqdisho ka da’aya.

Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa noo sheegay in biyo badan oo roobka ah ay soo galeen Terminal-kii cusbaa ee garoonka, waxa uuna saameyn ku yeeshay shaqooyinkii halkaasi kasocday, iyadoona dadkii halkaasi ku sugnaa iyo shaqooyinkii kalaba loo wareejiyay qeybihii hore garoonku ugu shaqeyn jiray.

Waxaa sidoo kale Wararka aan ka heleyno Garoonka sheegayaan in biyaha roobka ay saameyn ku yeesheen duulimaadyada iyo shaqooyinkii kale ee maanta kasocday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Arimahan ayaa loo sababeenayaa in aysan wali dhamaan dhismaha garoonka kasocday si deg deg ahna Tirminaaka cusub loo howlgaliyay, waxaana hada biyo celin iyo kahaortagis wada shaqaalaha garoonka oo adeegsanaya katarbiilo iyo alaabo kale.

Magaalada Muqdisho oo Bilihii lasoo dhaafay kuleyl ahayd, ayaa saakay waxaa ka curtay Roobka Guga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada