Cali Dheere:- Kenya waan u sheegnay, ficil ayaana ugu badalnay qaladkeeda

Cali Dheere:- Kenya waan u sheegnay, ficil ayaana ugu badalnay qaladkeeda

daajis.com:- Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu xasuuqay Arday iyo dad kale ee ka dhacay jaamacadda Gaarisa inuu jawaab u ahaa duulaanka Kenya iyo soo gelitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya oo soo galay bishii October sanadkii 2011.

Wuxuu sheegay Dowladda iyo shacabka Kenya inaysan aqoon u laheyn waxa ay gacmaha la gelayaan, oo dhibaato ugu imaan karta, isagoo ku eedeeeyay inay iska indha tireen baaqyadooda iyo hanjabaadaha ay u jeediyeen inay kala baxaan ciidamadooda gudaha Somalia.

“Dowladda kirishtaanka Kenya dalkeena ayay ku soo duushay bishii october 2011, iyadoo mar marsiiyo ka dhiganeysa in amniga wadankeeda difaaceyso, iyadoo sheeganeyso labo qof cadaan la soo afduubtay daraadeed ayay u soo gashay dalkeena Soomaaliya”ayuu yiri Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta Afka Shabaab ku hadla.ali-dheereCali Dheere ayaa sheegay in Kenya aanay aqoon u laheyn waxyaabaha ay galeyso, gaar ahaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo ay gadaal ka riixayaan reer galbeedka, isagoo xusay inay iska indha tirtay wax alla wixii baaq ahaa oo ay u jeedinayeen.

“Kenya waxa ay galeyso wax aad u adag oo ay aqoonteeda laheyn waaye, waxaa u tilmaamnay waxyaabaha ka dhalanaya, bur burka ku imaanaya, waxaa gadaal ka riixaya danaha shisheeye iyo gaalada cad cad, waxay iska indha tirtay waxa alla wixii aan u sheegeynay waxayna u soo bareertay dhibka iyo waxa ka dhalanaya dagaala ay la gasho umad muslimiin ah, markii ay ku qanci weysay, wixii loo sheegay oo hadal ah, mujaahidiinta waxay u bedeleen ficil iyo gacan inay wax ugu sheegeen, waxay ku qaadeen intaas oo weerar oo ah tusaale iyo digniin, waa u noqon weysay, waa isu raac raaciyeen, ilaa weeraro ay ka dhacaan Nairobi, xeebta iyo Mombasa iyo dhulkan muslimiinta ee waqooyi bari “ayuu yiri Cali Dheere.

ali-dhereMar uu ka hadlayay weerarka ay Jaamacadda Gaarisa ku qaadeen ayuu sheegay in xarunta weyn ee Jaamacadaas ay aheyd goob lagu faafiyo manhajka kirishtaanka ah, isla markaana dad meelo kala duwan laga keenay la dejiyay xarunta jaamacadda loogu magac daray Jaamacadda MOI.

Waxaa uu sheegay in dableydii hubeysneyd ee gudaha u gashay jaamacadda ay wax ka badan saacad ay keligood heysteen, isla markaana dadkii ay u kala saareen kuwii muslimiinta ahaa iyo kuwa aan aheyn.

Weerarkii shalay ay Al-shabaab ka fulisay Gaarisa ayaa noqonaya kii ugu xasuuqa badnaa ee ka dhaca Kenya oo ay Al-Shabaab geysato, iyadoo midkan kuwii ka horeeyay ay ahaayeen kuwii ka dhacay Suuqa Westgate ee Nairobi iyo weerarkii Mandheere ee dad shacab ah oo saarnaa Bus lagu xasuuqay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada