Dowlada Jabuuti ayaa diiday badbaadinta Cali Cabdalla Saalax

Dowlada Jabuuti ayaa diiday badbaadinta Cali Cabdalla Saalax

daajis.com:-Warar maalmahan soo kordhayay oo ayaa sheegayay in Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax uu si dhuumasho ah ugu baxsaday dalka Yeman, una gudbay dal ka mid ah Afrika, gaar ahaan dalka Erateria, laakiin arintaasi waxay beenowday markii uu Wasiirka arrimaha dibada Yeman uu sheegay in dowladda Jabuuti ay diiday codsi ahaa in ay magangelyo siiso Cali Cabdalla Sallah iyadoo laga codsaday in ay diyaarad yar u diraan si ay ugu soo qaato dhul buuraley ah oo uu ku dhuumaaleysanayo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yeman Riyad Yasin ayaa wargeysa Sharqal Awsat u sheegay in dowladda Jabuuti ay ku wargelisay in tan iyo markii ay sii xoogeysteen dagaalada Yeman loo soo gudbinayay codsiyo kala go laheyn lagu dalbanayay in loo ogolaado Cali Cabdalla Salah in diyaarad yar oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha shidaalka ee Jabuuti deggeni ay usoo diraan Yeman si ay u qaado Madaxweynihii hore iyo gacan yarayaashiisii una geyso meel aan loo sheegin Jabuuti.


Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha rasmiga ah ee Yeman Mukhtaar Ar-Raxabi ayaa Arbacadii u sheegay Saxaafadda in warka rasmiga ah uu yahay in Cali Cabdalla Saalax uu hadda ku sugan yahay degmada uu ku dhashay ee Sanxaan oo ku taalla woqooyiga dalka Yemen.

Cali Cabdalla Sallah ayaa gacan siinayay kooxda Xuutiyiinta ee ku kacsan Dowladda, waxayna arintaani ka danbeysay markii uu xilka uu ku wareejiyay Kuxigeenkiisa oo hadda ah Madaxweynaha sharciga ah, heshiiskana uu ahaa in mudo Labo sano ah uu xilka sii haynayo inta ay ka dhaceyso doorasho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada