daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in hal qof loo qabtay weerarka Jaamacadda Garissa, Isagoo isku deyayay inuu ka baxsado Xarunta Jaamacadda oo uu isku dhex qariyay dad kii goobta laga daad guraynayay, sida uu yiri.
Dhanka kale Joseph Nkaissery, ayaa ku dhawaaqay in hadda ka dib uu xilliyada habeenkii ah, ay bandow yihiin Magaalooyinka Garissa iyo Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Bandowga waxa uu bilaaban doonnaa 6:00 maqribnimo, wuxuuna ku egyahay 6:00 subaxnimo.
Magaalada Garissa ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhaqangalay bandowga, Dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka rayidka ayaan xalay ka jirin Magaalada, waxaana lagu arkayaa gawaarida askarta iyo gaadiidka gurmadka deg degga oo ku roondaynaya xaafadaha.
Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Somaliya oo sheegtay masuuliyadda weerarkasi, ayaa ku goodiyay in weeraro kale ka geysan doonaan dalka Kenya, haddii aynaan Kenya ciidamadeeda kala bixin Somaliya.
Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa qudbad uu ka sii daayay teleefishinka dalkaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay beegsanayan dadka rayidka ah, ee bulshada ugu nugul, iyagoona u dilaaya wax aan diin shaqo ku lahayn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at