daajis.com:- Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka mid ah howl galka AMISOM ayaa ka bilaabay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, howl gallo la isugu furay deegaanada go’doonsan, iyadoo ciidamada ay la kulmeen dagaalo iyo weeraro.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa howl galkooda ka bilaabay degmada Xudur, halkaasoo muddo sanad iyo bar go’doon ku jirtay, kadib markii jidadkii sahayda u marayay ay jareen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay in howl gallada socday labadii maalmood ay ku qabsadeen ilaa shan tuulo oo Al-Shabaab ku lahaayeen fariisimo ay ka cunaqabateynayeen degmada Xudur.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay gaareen meel 45-KM u jirta Xudur, inkastoo aanay wali muuqan in la isku furay deegaanada qaar, waxaase saraakiisha ay leeyihiin wali howl galka wado furista waa socdaa.
Degmooyinka Gobolka Bakool ayaa mid walba waxay degmada kale u jirtaa 90KM, waxaana ay doonayaan in ciidamada is garabsanaya in marka hore la isu furo degmooyinkaas, kadibna deegaanada kale ee gobollada deriska la ah loo gudbo.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sahayda iyo saanada milateri loogu geeyaa dhinaca hawada, gaar ahaan diyaarado helicoptero ah.
Tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmooyinka Gobolka Bakool, ayaa waxaa deegaanada ka jiray xaalado bani’aadanimo, kadib markii Al-Shabaab ay go’doomisay, mana jirto gawaari isu kala gooshi karta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:56 and have
