Nicholas Kay iyo Siyaasiyiin ka wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe"Sawirro"

Nicholas Kay iyo Siyaasiyiin ka wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe"Sawirro"

daajis.com:- Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Siyaasiyiin, aqoonyahano, haweenka iyo qeybaha bulshada ee Beelaha Abgaal, iyagoo ka wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee la filayo in dhowaan la guda galo.

Kulankan oo ay hormuud ka ahaayeen Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa laga wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan iyo in Gobolka Banaadir uu noqdo Maamul Goboleed.

Arrimaha hoosta laga xariiqay iyo aragtiyada la isku weydaarsaday ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha maamul u sameynta, isla markaana loo dhameystiri lahaa maamulada haray, waxaana la isla gartay in dhamaan dadka deegaanka looga qeyb geliyo, awood awood qeybsi ku saleysan caddaalad iyo dib u heshiisiin waarta.

Mr Nicholas Kay ayaa u sheegay xubnahan uu la kulmay in fikir ahaan uu qabo in la is raacsiiyoHiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana Gobolka Banaadir maqaam gaar oo laga tashato uu yeesho.

Mas’uuliyiinta la kulmay Nicholas Kay ayaa sheegay in bulshada deegaanka ay diyaar yihiin oo ay waqti badan ku bixinayaan dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta.




Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Gobolka Banaadir uu istaahilo inuu Maqaam gooni yeesho, iyadoo loo marayo in dadka deegaanka ay helaan xaquuqdooda aas aasiga ah.

Waxaa kaloo kulanka laga sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay gobolka midnimada, isku xirka bulshada iyo xudunta Dowladnimada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, waxaa la isla gartay in la dedejiyo maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo Dowladda Federaalka ay door hoggaamineed ku yeelaneyso iyo in Guddiyo farsamo la diyaariyo oo ka howlgala sidii bulshada loo diyaarin lahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada