Daawo:- Isku aadka Sema Finalka Champions League: Barcelona vs Bayern Munich iyo Real Madrid vs Juventus

Daawo:- Isku aadka Sema Finalka Champions League: Barcelona vs Bayern Munich iyo Real Madrid vs Juventus

daajis.com:-Isku aadka wareega Sema Finalka ama afar dhamaadka ee Koobka Horyaalada Yurub Champions League ayaa maanta la sameeyay, iyadoo kooxo la filayay inay isku aadayaan ay isku beegmeen.

Kooxaha Barcelona. Bayern Munich, Real Madrid iyo Juventus ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka, waxaana isku aadka maanta lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Barcelona iyo Bayern Munich ayaa isku aaday, waxaana dib loo xusuusan doonaa Sema Final-kii hore ee sanadkii 2012-2013, xilligaasoo Bayern Munich ay labada jeer badisay, wadar ahaan ku soo baxday Finalka 7-0

Kooxda Real Madrid oo heysata Koobkan ayaa doonaysa in markii 11aad ay qaado, waxaana ay ku soo aaday kooxda Juventus, labada kooxood ayaa isugu dambeysay sanadkii 2002-2003, xilligaasoo Juventus ay wadar ahaan Sema Finalka ku garaacday Real 4-3.




Juventus ayaana markii u horeysay muddo 12 sano u soo baxday Sema Finalka Koobka Horyaalada Qaarada Yurub, waxaana kooxdan ay ku jirtaa xilli ciyaareed wanaagsan, iyadoo hogaanka dhibco badan ku heysa Horyaalka Talyaaniga ee Seria A-da.

Dhinaca kale waxaa la sameeya wareega sema Finalka ee Koobka Europa League, waxaana la isugu aaday Napoli oo ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la ciyaari doonta Sema Finalka kooxda Dnipro ee dalka Ukraine.

Kooxda Sevilla ee reer Spain oo heysata Koobkan ayaa iyana waxay Sema Finalka la ciyaari doontaa kooxda Fiorentina ee dalka Talyaaniga


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada