Daawo Muuqaal "Gabar Somali-American ah oo noqotay gabadhii ugu horeysay oo ka shaqao Biloowday Taksiyada Mareykanka!!

Daawo Muuqaal "Gabar Somali-American ah oo noqotay gabadhii ugu horeysay oo ka shaqao Biloowday Taksiyada Mareykanka!!

daajis.com:- Gabar Somali-American ah ayaa waxaa la sheegay inay markii ugu horeysay ay ka mid noqotey Soomaalida ku shaqeysata wadida Taksiyada dalkaas Mareykanka iyadoona qaar ka mid Soomaalida ku nool dalkaas Mareykanka ay arintaas ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn Diin ahaan in gabar Soomaali ay ka mid noqoto darawalada Tagsiyada islamarkaana ay arintaasi ay qatarteedu ay leedahay. 


Gabadhaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suleeqo Isaaq oo 35 sano ah kuna nool magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay noqotey gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah inta la og yahay oo ku howl gasha wadida Tagaasida ka dhex shaqeeya magaaladaas, Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa waxay xiriir la sameysay nin Soomaali ah oo ka mid ah milkiilayaasha shirkada Taksiyada ee magaalada ay ku nooshay Cali Maxamed iyadoona uu ninkaas uu la tashtay nin Sheekh weyn oo caan ka ah magaalada uu ku nool yahay oo lagu magaccaabo Sheekh Zulfiqaar Shaah islamarkaana ah madaxa xarunta Muslimiinta ee magaladaas iyadoona uu sheekhaas uu sheegay inay gabadhaas Soomaaliyeed ay ku shaqeysan karto Taksigaas haddii ay daruuf jirto. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hada ay ku shaqeyso wadida Tagsigaas islamarkaana ay saacado badan ay ku shaqeyso maalintii ayaa qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas waxay sheegeen inaysan wanaagsaneyn diin ahaan in gabadhaasi ay ku shaqyso Taksigaasmaadaama ay dhici karto mararka qaarkood in rag ka aajanabi ah ay kali isku noqdaan sidoo kalena ay tahay shaqo adag oo qatarteedana leh walibana waqtigaan oo ah mid xasaasi ah in gabar Soomaaliyeed oo xijaaban ay ku shaqeyso Taksigaas, Gabadhaan Soomaalida ayaa iyadu waxay sheegtay inay u baahan tahay dhaqaale ay ku daboosha nolosha qoyskeeda iyo tan hooyadeed iyo walaalsheed iyo caruurteeda oo ku sugan dalka Kenya, Gabadhaan Soomaalida ah ayaa waxay tahay gabadhii labaad oo muslim ah oo Taksiile ah oo ka howl gasho magaalada ay ku nooshahay. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada