daajis.com:- Milatariga Dalka Nageria ayaa sheegay in Kooxda Boka Haram ay kasoo furteen 200-Gabdhood iyo 93-Haween ah ay Kooxdaasi xoog ku heesteen, kadib howlgal Ciidamadu ka fuliyeen Dhul keyn ah ay Kooxdaasi xarumo ku laheed.
Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay bur buriyeen Sadax xero ay Kooxda Boka Haram ku laheed keynta Sambisa, waxa uuna intaa raaciyay in kooxdaasi laga soo bad baadiyay 200-Gabdhood iyo Haween ka badan 90- kuwaa ay heesteen Boka Haram.
Milatariga Nageria ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin Gabdhaha ay soo bad baadiyeen in ay ku jiraan gabdhihii ardayda ahaa ee gaarayay 200 oo kooxda Boka Haram Sanadkii hore ka afduubteen Iskuul kuyaala Deegaanka Chibok .
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in baaris ay ku sameeyeen Ciidamada milatariga Nageria Gabdhaha ay soo bad baadiyeen aysan ku jirin Gabdhihii ardayda ahaa ee Horey kooxda Boka Haram u afduubteen.
Dowlada Nageria ayaa Bishii October ee sanadkii hore, waxa ay ogolaatay in heshiis xabad joojin ah ay la gasho kooxda Boka Haram si gabdhahii Chibok loo sii daayo, laakiin Boko Haram ayaa arrintaasi diiday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have

