Daawo Sawirada: Haweeney in ka badan 50-Saacadood ku hoos aasneed dhismo dumay oo la helay iyada oo nool

Daawo Sawirada: Haweeney in ka badan 50-Saacadood ku hoos aasneed dhismo dumay oo la helay iyada oo nool

daajis.com:- Dalka Nepal waxaa dhawaan ku dhuftay Dhul Gariir baaxadiisu aad u weynaa, waxaana dhul gariirkaasi ku dhintay Kumanaan qof , iyadoona wali ay socoto baadi goob loogu jiro in la helo dadkale oo nolol oo wali ku hoos jiradhismooyinka dumay.

Kooxaha Gurmadka u sameenaya dadka ku hoos aasmay dhismayaasha dumay iyo kuwa buuraha dushooda saaran ayaa ku guuleestay in ay helaan Haweeney in kabadan 50-saacadood ku hoos aasneed dhismo kusoo dumay.

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay nooshahay, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka si loo daweeyo, waxa ayna Haweeneydan in ka badan 50-saacadood ay ku hoos jirtay dhagxaan iyo dhismo kusoo dumay.

Dhul gariirka ku dhuftay Dalka Nepal waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 5-kun oo Qof, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu intaasi kasii badato maadama ay wali jiraan kumanaan dad ah oon la heyn nolol iyo geeri.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada