daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya dalka Yemen ayaa Sheegaya in Ugu yaraan 30-qof oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen duqaymaha ka socda Dalka Yemen.
Dadkani ayaa la sheegay inay la socdeen labo gaari (mini Bus) oo kasoo baxay xero qaxooti kuna sii jeeday magaalada xeebta ku taal ee Cadan.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Yemen Cismaan Axmed Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey VOA-da lu sheegay in Soomaali badan ay ku xaniban yihiin colaadaha ka taagan Yemen.
iyadoo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay hadda u dirtay dadkaasi labo markab oo soo daad gureeya, Maraakiibtan ayaa ah kuwa lala soo daahay hadaad barbar dhigto goorta la daadgureeyay Qowmiyadaha kale ee ku noolaa dalka Yemen.
Dagaalka Dalka Yemen ayaa hadda waxa uu isku bedeli rabaa mid qabaa’ileed, iyadoo oday dhaqameedyada qaar ay u yeerteen kooxaha ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have

