daajis.com:- Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr Fabrizio Marcelli ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Beesha Abgaal oo ay ka wada hadleen Maamul u sameynta Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraaniyo sidoo kale sidii Gobolka Banaadir uu u noqon lahaa Maamul Goboleed.
Siyaasiyiintan oo ka koobnaa Ra’iisul Wasaarayaal hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin, aqoonyahan, madax dhaqameed, dumar iyo qeybaha bulshada ayaa waxey Safiirka Talyaaniga ka codsadeen in Talyaaniga uu arrimaha Soomaaliya u soo jeesto, iyagoo sheegay in Talyaaniga uu xiriir qoto dheer ka dhaxeeyo.
Waxaa ay ka codsadeen inuu kala shaqeeyo maamul goboleedyada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo Talyaaniga uu xil gaar ah iska saaro gobolladaas bacdamaa uu xiliyadii dalka ay ka jirtey dowladda uu goobahaas ka hirgeliyey mashaariic waa weyn sida warshadii Sokorta ee Jowhar iyo mashaariic kale.
Waxgaradkan ayaa sidoo kale ka codsaday Safiirka Talyaaniga inuu xil gaar ah iska saaro sidii dadka deegaanka Muqdisho oo gaaraya 3 milyan ay u heli lahaayeen xaquuqdooda bacdamaa Soomaalida ay door bideen Federaal, isla markaasna ay gobolladooda dhisteen in Banaadir oo ka mid ah 18-ka Gobol ee dalka uu yeesho Maamul Goboleed.

Sidoo kale waxaa ay Guddigan sheegeen inay wadaan dadaalo ay dhammaan beelaha Soomaaliyeed ugala hadli doonaan doorka Banaadir iyo sidii dadka deegaanka mudnaan gaar ah loo siin lahaa.
Safiirka Talyaaniga Fabrizio Marcelli ayaa sheegay inuu dadaal dheer u galayo sidii dadka deegaanka ay xaquuqdooda u heli lahaayeen isla markaasna uu sii xoojinayo xiriirka Talyaaniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn xubnahan ayaa Safiirka Talyaaniga ka codsaday in Xaashi oo ku xiran Talyaaniga muddo 18 sano ah la soo daayo si deg-deg ah, iyagoo sheegay in Xaashi oo aan maxkamad xukumin uu xabsi ku jiro 18 sano, taasoo sharci daro ah, waxaana uu xusay inuu arrintan baari doono uuna warbixin ku soo celin doono waxgaradka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:53 and have