Maxamed Cumar Carte oo Ka Bogsooday Dhaawicii Kasoo Gaarey Weerarkii Alshabaab. (Sawirro)

Maxamed Cumar Carte oo Ka Bogsooday Dhaawicii Kasoo Gaarey Weerarkii Alshabaab. (Sawirro)

daajis.com:- Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta mudo dheer kadib dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka bogsooday dhaawac kasoo gaaray falkii argagixiso ee kooxda Al Shabaab ay ku qaadey Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa kulan soo dhaweyn ah wuxuu la qaatay shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaas ka hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo mudo laba bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Mudane Carte, ayaa mahadcelin kadib, xusay xili walba inuu u taagan yahay dhismaha qaran Soomaaliyeed, mar walbana ay dhibaatooyin noocan oo kala ah dhici karaan marka lagu jiro dhismaha dowladnimada.



“Waxaan maanta idin ogeysiinayaa in aan dalkaygii hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ah ugu maqnaa dalka dibeddiisa arrimo caafimaad. Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad i siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka oo intaas ku daray.

Sidoo kale, ku xigeenka RW ayaa shacabka Soomaaliyed uga mahad celiyey dareenkooda ku dheehen wadaniyada iyo sida ay ula soo xiriiri jireen markasta si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan, maanta laga bilaabana shaqadii uu qaranka u hayay uu halkeedii ka sii wadi doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada