Madaxda Jubba & K/galbeed oo Garowe si weyn loogu soo dhaweeyay-Sawirro

Madaxda Jubba & K/galbeed oo Garowe si weyn loogu soo dhaweeyay-Sawirro

daajis.com:- Madaxwayne CabdiwalI Maxamed Cali oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweynaha Puntland iyo labada Madaxweyne ayaa saxaafada kula hadlay Madaxtooyada wuxuu Madaxweyne Gaas ku soo dhaweeyey Puntland wuxuuna sheegay in madaxdan u yimaadeen sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka madaxda maamulada federaalka iyo dowladda federaalka oo Galabta 4:00 Pm k furmaya Garoowe.


“Halkan waxaan u nimid inaan ka qayb-galno shir muhiim ah oo arimaha Somalia quseeya, maadaama waqtiga uu kooban-yahay “ ayuu yiri madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba oo war kooban siiyay warbaahinta markii u yimid Garowe.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Puntland, waxaana uu madaxda Puntland uga mahad-celiyay sida diiran ee Garoowe loogu soo dhaweeyay.

Waxaa la qorshaynayaa in maanta galinka danbe uu Garowe ka furmo shirkan wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Somalia iyo maamulada dalka ka jira, iyadoo si gaar ah diiradda lagu saari doono arimo muhiim ah oo la xiriira Hiigsiga la qorsheeyay iyo la dagaalanka xagjirnimada Somalia.

“Ujeeddada shirka Garoowe waa in dowladda dhexe iyo maamul-goboleed-yada dalka ka jira ay ka tashadaan sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhisidda dowladnimada Somalia iyo in dalka la gaasiiyo isku-filnaasho buuxda oo ay dadka oo dhan ku mideysan yihiin,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay madaxtooyada Puntland markii uu shalay yimid Garowe. 

Ugu dambeyn, shirkan lagu qabanayo magaalada Garoowe ayaa wajigiisi koowaad waxaa lagu qabtay caasimadda Somaaliya,waxaana marka la soo gaba-gabeeyo laga soo saari doono qodobo la xiriira waxyaabaha la isku afagartay oo u badnaan doono hiigsiga 2016-ka iyo sida loo gaari karo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada