Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe oo lakala diray (Video)

Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe oo lakala diray (Video)

daajis.com:- Khilaf hor leh ayaa ka dhex curtay dhismaha maamulka loo dhisayo koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud ee ku yaalla bartmaha Soomaaliya,kaddib markii maanta kalsoonida lagala noqday guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhaxe.

Qar ka mid ah hoggaamiyaashi saxiixay qorshaha maamulka lugu dhisayo ayaa maanta si cad u sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga ku howlan dhismaha maamulka gobollada dhexe,kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado.

“Maamul gobolledyada jira waxba nooma yeerin doonan,waxaana idin sheegana kalsoonida inan kala noqanay guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe,”ayuu yiri mid ka mid ah odayaashi shiray.

Dowladda Soomaaliya ayay ku dhaliileen faragalin la sheegay inay ku hayso dhismaha maamulka,waxaana ay ugu baaqeen dadka aayahooda inay u dayso oo ay doortan ruuxa ay u arkaan inuu hoggaamin karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug,Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah hoggaamiyaashi saxiiay dhismaha maamulka gobollada dhexe oo kulanka kalsoonida loogala laabtay guddiga farsamada ka qayb-galay waxuu sheegay inuu taageerayo go’aanka ka soo baxay.

Waxuu sheegay in tallooyinka ka soo baxay shirka inuu si cad u taageerayo ayna haboontahay dadka inay iyagu ka tashadaan aayahooda,waxuuna u mahadceliyay dhammaanba ergadii go’aanka soo saartay.

Dhinaca kale,maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa isna ka soo horjeestay in lakala diro guddiga farsamada ama kalsoonida lagala laabto,iyagoona ku baaqay guddiga inuu sii shaqeyn doono.

Go’aanka guddiga lugu kala dirayo waxaa loo sababeeyay labo qodob oo kala ah inuusan wali guddiga caddeyn deegaannada uu maamulka noqon doono,maaddama gobolka Mudug intiisa badan uu ka tirsan-yahay Puntland.

Qodobka labaad ayaa ah in guddiga uu ka tagay qaar ka mid ah ergooyinka beelaha ku howlanaa dhismaha maamulka gobollada dhexe oo muddooyinkii dambe jiitamayay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cadaado ka furay shirka maamulka lugu dhisayo,kaaso an wali wax natiijo ah aysan ka soo bixin,waxaana muuqata khilafkan cusub inuu dib u dhigi karo.

Hoos ka daawo muuqalka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada