DAAWO:- Rag wajiyada soo duubtay oo weeraray Jaamacadda Garrisa

DAAWO:- Rag wajiyada soo duubtay oo weeraray Jaamacadda Garrisa

daajis.com:- Rag wajiyada soo duubtay oo aad u hubeysan ayaa goordhow gudaha u galay Jaamacadda Garrisa.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa isku gadaamay Jaamacadda, iyadoo rasaas xoogan ay is weeydaarsanayaan ragga wajiyada soo duubtay ee gudaha u galay Jaamacada.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada 3 ruux ayaa dhimatay 30 kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Qof goob jooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay, inuu arkayay kooxaha gudaha u galay Jaamacadda oo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furaya ardaydii Jaamacadda, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada intaas ka badato.garisa-university-1Ilaa hada si cad looma oga cida ka danbeysa weerarkaan, laakiin kooxda Alshabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyay si joogto ah weeraro uga fulineysay Kenya.

Garrisa oo ku taal waqooyi bari Kenya, ayaa xuduud la leh Somalia, waxaana dhowr mar ka dhacay weeraro, qaraxyo iyo dilal.

Rasaas socota hada:

Ilaa iyo 5 nin oo wajiyada soo duubtay, ayaa la xaqiijiyay ineey gudaha ugu jiraan Jaamacadda, iyagoona rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka Kenya oo goobta isku hareereeyay.

Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska Kenya, ayaa sheegay in rag wajiyada soo duubtay ay dileen waardiyii irida Jaamacadda saacada markeey ahayd 05:30 subaxnimo saakay, iyagoona intaas kadib gudaha u galay Jaamacadda.

Ciidamada amaanka oo goobta gaaray waxyar kadib, ayaa rasaas xoogan waxay is dhaafsanayaan ragga wajiyada soo duubtay, iyadoona kooxda weerarka soo qaaday ay dhufeyso kadhigteen dhismaha kore ee Jaamacadda, waxaana la xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah.


Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya, ayaa sheegay ineey isku dayayaan ineey soo gaba gabeeyaan howlgalka.

Waxaa la xaqiijiyay ineey dhinteen 2 kamid ah ilaalada Jaamacada 2 askari iyo Gabar kamid ahayd ardayda Jaamacadda.

Kooxda weerartay Jaamacadda ayaa lasoo sheegayaa, ineey ardayda ku amreen ineey madaxa dhulka dhigtaan.

“Xaalada waxay ahayd mid cabsi badan rasaasta dhinac walbo ayay ka dhaceysay” sidaa waxaa BBC u sheegay Augustine Alanga, oo kamid ah ardayda Jaamacadda.

Jaamacadda Garrisa, waxaa la furay sanadki 2011, waana Jaamacadda kaliya ee deegaanada waqooyi Bari Kenya, waxaana dhigta ilaa 900 oo arday.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada