Daawo Sawirada Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Uganda ,R/Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale

Daawo Sawirada Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Uganda ,R/Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax sare oo ka tirsan wadamada Qaaradda Afrika oo dalkaasi uga qeyb-galay shir muhiim ah oo looga hadlayey arrimaha amaanka ee geeska Afrika.

Masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweyne Gaas waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul-wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirka arrimaha dibeda Dawladda Kenya Aamina Maxamuud, Wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Rwanda,Ethiopia,Tanzania iyo Botswana.



Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta amaanka geeska afrika loona soo afjari lahaa kooxaha argagixisada sida Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Horumarka iyo Nabad-gelyada kajirta Puntland ayuu u sharaxay Madaxweynuhu masuuliyiinta uu la kulmay , waxaana uu ka dalbaday in ay dhinacooda ka qey-qaataan iyagoona dalka ka samaysanaya maalgashiyo caalami ah kana taageeraya dhinac walba.

Kulamadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Gaas la qaatay dhammaan madaxda uu la kulmay waxaa ay ku soo dhammaadeen guul, is afgarad iyo jawi dagan, waxaana si wadajir ah loogu wada balamay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada