Daawo:- Marwada Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho oo deeq gaarsiiyay Gabdho agoon ah

Daawo:- Marwada Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho oo deeq gaarsiiyay Gabdho agoon ah

daajis.com:- Marwada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo sariiro gaarsiisay Xarunta Agoonta Gabdhaha ee degmada Boondheere.

Deeqda ayaa ka koobneyd 14 sariir oo uu Maamulka Gobolka Banaadir u soo iibiyay, waxayna qeyb ka aheyd balan qaad uu horay u sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa kaloo ku jira raashin ay soo dhiibtay Safaaradda Jabuuti oo ay u soo marsiisay Marwada Madaxweynaha.

Gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa soo dhoweeyay deeqdan, , waxaana uu sheegay inay wax weyn ka tareyso, daryeelka iyo xanaanada agoonta gabdhaha ee ku jira xarunta degmadaas ku taal.

Marwada Madaxweynaha dalka Qamar Cali Cumar ayaa uga mahad celisay maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkiisa ku aadan garab istaaga iyo dadaalka uu ugu jiro daryeelka caruurta agoonta wax ka barata Xarunta degmada Boondheere.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax u qaban doono agoonta, isagoo xusay inay gacan ka geysan doonaan sidii ay xeryo ugu sameyn lahaayeen kuwa darbi jiifka ee hoy la’aanta ku ah magaalada Muqdisho.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada