daajis.com:- Munaasabad ay kasoo qeybgaleen ururada haweenka ,Dhalinyarada iyo Masuuliyiin kasocotay maamulka Degmada Jowhar waxaa Maanta xariga looga jarayay dayactir lagu sameeyay Ex-Xiriirkii hore ee shaqaalaha gaar ahaan qeybta lagu ciyaaro kubada koleyga islamarkaana lagu qabto munaasabadaha.
Hey’adda Danguud oo kamid ah hey’addaha kahowlgala gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa fulisay mashruucaasi lagu dayactirayay xaruntaasi.
Kusimaha gudoomiyaha degmada Jowhar ahna gudoomiye kuxigeenka dhanka arimaha bulshada Mudane Xasan Baroow Bocor oo xariga kajaray Xaruntaasi ayaa ugu mahadceliyay hey’adda Danguud dayactirka ay ku sameeysay xarunta kubada koleyga ee Magaalada Jowhar.
‘Hey’addaan danguud waxaan ugu mahadcelineynaa sida wanaagsan ay marwalba u garab taagantahay shacabka magaalada Jowhar ma aha oo kaliya dayactirkaan maanta xariga lagajarayo, waxaa ay horey ugu fulisay una maalgelisay mashaariic kala duwan oo dhanka arimaha bulshada ah waxaana xusi doonta taariikhda. ayuu yiri Xasan Baroow Bocor Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna gudomiye k/xigeenka Degmada jowhar dhinaca Arrimaha Bulshada.
Hey’adda danguud ayaa horey mashaariic kala duwan kaga fulisay magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka S/dhaxe . waxaana ugu danbeeyay dayactirkii ay ku sameysay xarunta maamulka degmada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:00 and have




