daajis.com:- Kooxda Daacish ayaa soo saartay muuqaal argagax badan oo muujinaya laba kooxood oo Masiixiyiin u dhashay dalka Ethiopia oo si naxariis daran loo gowracayo, halka qaar kale rasaas lagu dilayo.
Masiixiyiintaan u dhashay dalka Ethiopia ayaa dhamaantood ku noolaa dalka Liibiya, waxaana loo badinayaa in ay ahaayeen tahriibayaal, waxaana muuqaalkaan laga soo kala duubay magaalooyinka Barqah oo ku taala bariga Liibiya iyo Fazzan.Muuqaalkan oo loogu magac daray ”ilaa iyo inta ay uga imaanayso cadeymo cad” ayaa waxa ka muuqday nin wajiga soo duubtay oo ku hadlaya luuqada ingiriiska, una goodinaya masiixiyiinta una sheegaya in aanay badbaadi doonin ilaa ay ka qaataan diinta islaamka ama ay dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado qofka aan muslimka ahayn.
IS-ethiopian-christian-3Muuqaalkaan oo 29 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi soconaya ayaa waxa uu u muuqdaa in looga goleeyahay in lagu sharaxo mawqifka Daacish ee ku aadan dadka masiixiga ah.
Waxay ku doodayaan in dadka masixiyiinta ah ee kunool meelaha ay gacanta ku hayso Daacish ee ogolaaday in ay ay bixiyaan lacagta Jizyada ah in ay kunool yihiin si nabad ah, kuwii diidana ay wajahayaan dil.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:10 and have
, Published at