daajis.com:- Tahriibayaalshii ugu tirada badnaa ee Halmar ku qalibmay Badda u dhaxaysa Liibiya iyo dalka talyaaniga ayaa la’aaminsanyahay inay badankood ku Geeriyoodeen kadib markii ay doonta kula degtay meel u dhow xeebta Liibiya.
Warbaahinta Jasiiradda Malta ayaa sheegaysa in musiibo ba’ani ka dhacdey badda Mediterranean-ka kadib markii doon ay saarnaayeen dad ka badan 650 oo qof ay kula degtey xeebaha dalka Liibiya.
Wargesyska Times of Malta ayaa qortey in 28 qof oo keliya la soo badbaadiyey ilaa hadda, waxaana tan iyo habeenkii xalay socdey baadigoobka dadka loogu jirey. todobaadkii hore ayey ahayd sidaan oo kale markii dad aad u badan oo kor u dhaafaya 400 oo qof ay ku geeriyoodeen biyaha u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Yurubta Koonfureed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:12 and have
, Published at