Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta UN-ka ee magaalada Garowe

Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta UN-ka ee magaalada Garowe

daajis.com:- Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Hey’addaha UN-ka ee magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo qaraxan uu ahaa gaari ay saarnaayeen Shaqaalaha UN-ka

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhex dhacay gaari kuwa baska ah ee qaada shaqaalaha UN-ka, kaasoo loo maleynayo inuu qaraxa uu saarnaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu gaariga UN-ka saarnaa, balse si dhab ah wali looma oga, iyadoo ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhintay weerarkan oo ahaa dhamaan dadkii saarnaa gaariga, waxaana ilaa shan ka mid ah ay ahaayeen ajnabi, qaarka kalena Soomaali.

Xaalada magaalada Garowe ayaa kacsan, waxaana ciidamo fara badan ay isku gadaameen halka qaraxa ka dhacay ee Xarunta Qaramada Midoobey.

Gaariga ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana muuqata in marka la eego gudihiisa iyo saqafkiisa kore in waxyaabaha qarxa uu saarnaa



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada