Daawo:- Xulka Ciyaaraha Fudud Somalia oo Isku Diyaarinaya All African Games

Daawo:- Xulka Ciyaaraha Fudud Somalia oo Isku Diyaarinaya All African Games

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya garoonka Koonis ee degmada C/casiis ee bariga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil sare oo ka tirsan guddiga Olombikada Somaliyeed ee GOS ay kormeer ku tageen garoonkaas iyagoo booqday xulka ciyaaraha fudud dalka Somalia oo tababar joogto ah garoonkaas ku qaadanaya sida website-ka Heegan24.net uu kusoo waramay.

Duraan Axmed oo ah xoghayaha Guddiga Olombikada Somalia oo marka magacooda lasoo gaabiyay loo yaqaanno GOS ayaa soo indho indheeyay tababarka ay qaadanayaan ciyaartooyda xulka ciyaaraha fudud Somalia kuwaas oo u diyaar garoobaya ciyaaraha All Afrcan Games.

Xulka Ciyaaraha fudud Somalia ayaa la xareeyay muddo afar bilood ah waxaana loo xareeyay oo loo diyaarinayaa ciyaaraha All African Games oo lagu wado in ay ka dhacaan dalka Congo bisha September ee sanadkaan 2015.

gabdhahaGabdho iyo wiilal ayay isugu jiraan xulka ciyaaraha fudud ee Somalia oo ka qeyb galaya ciyaaraha All African Games waxaana ay qaadanayaan tababar heer caalami ah oo ay siinayaan macalimiin ilaa saddex ah oo soo saaray ciyaartooy orodada ah ee dalka Somalia.

xulka iyo labada macalinIlaa 12 ciyaaryahan oo isugu jiro wiilal iyo gabdho ayaa matali  doonno dalka Somalia waxaana 9 kamid ah ay yihiin wiilal halka 3-da kale ay gabdho yihiiin waxana ay xareeysnaan doonaan ilaa laga gaarayo bisha August oo ah ka hor bil marka ay furmayaan ciyaaraha All African Games.

GOS iyo xulkaMaamulka Olombikada dalka Somalia ayaa kula dar daarmay ciyaaryahanada inay u hogaan samaan amarada Tababarayaasha oo ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta casharada la siinayo.

Xiriirka Ciyaaraha fudud dalkeena Somalia ayaa ah mid dadaal badan ku bixiya sidii loo heli lahaa ciyaartooy buuxisa kaalinta ciyaaraha fudud Somalia ee tartamada caalamiga ah waana xiriirka kaliya ee Somalia ugu qeyb galo ciyaaraha Olombikada adduunka oo afartii sanno mar la qabto.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada