Dooni sidey 700 oo tahriibayaal ah oo ku degtay badda Mediterraneanka

Dooni sidey 700 oo tahriibayaal ah oo ku degtay badda Mediterraneanka

daajis.com:- Baadigoob xoogan ayaa waxa uu ka socdaa badda Mediterraneanka kadib markii ay degtay doon siday tahriibayaal gaaraya toddobo boqol oo ruux.

Ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtey in doontan ay degtay xalay saqdii dhexe illaa haddana laga soo badbaadiyay dad gaaray 28 ruux.

Maraakiib laga leeyahay dalka Talyaaniga,ciidamada badda ee Malta iyo maraakiib ganacsi ayaa ka qeybqaadanaya samatabixinta dadka tahriibayaasha ah oo doontu kula degtay biyaha dalka Libya gaar ahaan dhinaca koofureed ee jasiirada Lampedusa.

Ra’iisal wasaaraha dalka Malta Joseph Muscat ayaa ku qoray bartiisa Twitterka in dad badan laga cabsi qabo inay ku dhinteen doontan.


Wargeyska The Times of Malta ayaa qoray in dadka tahriibayaasha ah ay doontan la degtey kadib markii ay arkeen markab ganacsi ayna damceen inay gargaar ka dalbadaan markabka.

Illaa hadda ma jirto war ku saabsan tahriibayaashan wadamada ay ka soo jeedaan, waxaana dhowaan isa soo kordhayay tirada dadka tahriibayaasha ah ee gaaraya dalka Talyaaniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada