daajis.com:- Dowladda Iran, ayaa laba ka mid ah maraakiibteeda dagaalka waxay u dirtay xeebaha dalka Yemen, iyadoo aan la aqoon ujeedada dhabta ah ee ku aadan maraakiibtaasi.
Maraakiibtan waxaa lagu arkay Xeebaha Gacanka Cadmeed, waxaana walwal laga muujinaya in xaaladda cakiran ee dalka Yemen kaga sii daraan.
Warbaahinta Iran, ayaa tebisay in maraakiibtaasi Xeebaha Yemen loogu diray, sidii ay kaga hortaggi lahaayen weerarada maraakiibta ganacsi ee Iran kaga imaanaya kooxaha burcad badeeda Somalida, xilli bishii hore ay gacanta ku dhigeen laba markab oo Iran laga lee yahay.
Warbaahinta Khaleejka, ayaa qoreysa in maraakiibta Iran uu ujeedkoodu yahay inay sii huriyan xaaladda dalka Yemen.
Iran, ayaa bishii March dalbatay in si deg deg ah lagu joojiyo duqeymaha uu Sacuudigu hormuudka ka yahay, ee lagu garaacayo goobaha ay dalka Yemen kaga sugan yihiin maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.
Iran waxay xilligaa ku goodisay in duqeymuhu ay kaga sii dari doonaan xaaladda murugsan ee dalka Yemen, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:30 and have
