daajis.com:-Koox Ruush ah ayaa weerar dhanka Internetka ku qaaday Computerada Dowlada Maraykanka sida Aqalka Cad iyo Wasaarada Arrimaha Dibada.
Weerarkan dhanka interneka ah ayaa la sheegay inuu dhaca sanadkii lasoo dhaafay.
Burcada Internetka (Hackers) ee fadhigoodu yahay Ruushka lana sheegay inay xiriir la leeyihiin dowlada Ruushka ayaa la sheegay inay u suurto gashay inay xog kala baxaan computerada Madaxtooyada Maraykanka.
Xogta ay heleen waxaa kamid ah Telefonada iyo waliba diiwaanka safarada uu Madaxweynaha Maraykanka galayo.
Kooxdan ayaa la sheegay inay adeegsatay (phishingmail) oo ah in ay email been ah u direen Aqalka Cad iyagoo iska dhigaya hay’ad ama bangi iwm.
Kadibna qofka emailkaasi fura ka codsanaya in xogtooda geliyaan Website been ah balse loo ekaysiiyey websityada rasmiga ah, taasi oo fursad u siineysa burcadaasi internetka inay computerka kala baxaan xogta ku jirta.
Afhayeenka Aqalka Cad ayaa diiday in arrintan uu faah faahin ka bixiyo, balse waxay sheegeen falalka noocaan ah in ay taxadar gaar ah ka muujiyaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:01 and have

