Jacob Zuma oo Sheegay hadal ay si weyn ula yaabeen dadka jaaniibta ah ee kunool Dalka Koonfur Afrika.

Jacob Zuma oo Sheegay hadal ay si weyn ula yaabeen dadka jaaniibta ah ee kunool Dalka Koonfur Afrika.

daajis.com:- Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa mar kale ka hadlay Weerarada ka soda Dalkaasi ee lagu beegsanayo dadka ajaaniibta ah ee kunool Dalkaasi, waxa uuna tilmaamay in dadkiisa aysan wax naceyb ah uqabin dadka ajaaniibta ah.

Jacob Zuma ayaa timaamay in Weerarada ka dhaca Dalkaasi ee lagu beegsanayo dadka ajaaniib ah in aysan aheyn mid la xariira jinsi naceyb , waxa uuna intaa raaciyay in Weerarada nuucaan oo kala ah dalkaasi ay horey uga dhici jireen.

''Rabshadaha iyo Weerarada kasocda South Africa maahan mid ajaaniib naceyb ah , falalkan oo kale marar badan ayey dalkeena ka dhaceen, Saxaafada waxaan uga digeynaa in ay dhaafaan warka la xariira in qofkii ajnabi ah ee la dilo in ay tahay fal la xariira ajaaniib naceyb '' Ayuu yiri Madaxweyne Jocob Zuma.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika waxaa layaab ku timaamay ajaaniibta kunool dalkaasi oo sheegay in Madaxweynaha uu qarinayo dhibaatooyinka ay dadkiisa u geesanayaan dadka ajaaniibta ah ee kunool Koonfur Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada