daajis.com:- Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab Xukun xad ah waxa ay ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu kufsaday Haweeney Umul aheed, waxaana xukunkan uu ka dhacay Degmada Ceel Cali oo katirsan Gobolka Hiiraan.
Goob fagaare oo ku yaala Degmada Ceel Cali ayaa xukun xad karbaash ah lagula fuliyay Bashiir Ibraahiim Cabdulaahi oo lagu eedeeyay in uu kufsaday Haweeney Umul ah oo kamid aheed dadka Degmada ku dhaqan.
Qaadiga Xukunka ku riday Ninkan Eedeesanaha ah ayaa sheegay in uu qirtay dambiga lagu eedeeyay Bashiir ee ahaa in uu kufsaday Haweeney Umul ah isaga oo maskaxdiisa taam ay tahay, waxaana Shabaab qirshada Ninkan kadib ay ku rideen Xukun .
Al-Shabaab ayaa ku xukuntay Bashiir Ibraahiim Cabdulaahi in uu bixiiyo meherka Haweeneyda uu kufsaday sidoo kale laga masaafuriyo Degmada Ceel Clai mudo hal sano ah, waxaana sidoo kale lagu fuliyay Xukun Karbaasha oo 100 ah oo lagula dhuftay Goob Fagaare ah ay joogeen dadweyne badan.
Xarakada Al-Shabaab ayaa marar badan xukuno kala duwan ku riday dad ay ku eedeesay dambiyo kala duwan ,waxaana Deegaanada ay Shabaab kataliyaan ka jira nidaam ka duwan midka ka jira Deegaanada kale ee Dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:01 and have
