daajis.com:- Waxaa magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garowe la filayaa in 29 April,2015 isugu yimaadaan madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland ee Somalia iyo dowlada Federaalka ah.
Xasan Sheekh, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa u tagaya magaalada Garoowe sidii uga qaybgeli lahaayeen wajigii labaad shirkii horay dhinacyadan ugu dhex-maray Muqdisho oo ka dhici doona Puntland.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in wufuudda kasoo hormari doona madaxweyaha Somalia iyo mas’uuliyiinta maamullada gobollada la filayo inay maanta gaaraan Puntland.
Kulankaan ayaa noqonaya kii Labaad oo ay ku kulmaan madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka kadib markii horey ugu kulmeen magaalada Muqdishu Feb 2015.
Shirkaan ayaa wararku sheegayaan inuu socon doono muddo labo cisho ah iyada oo aan weli la ogeyn qodobada looga wada hadli karo. Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya waqti dowlada Federaalka madaxdeeda aaminsan yihiin in maamulada gobolada dhexe ka dhismi doonaan gobolada Galgaduud iyo Mudug halka Puntland ka biyo diidan tahay. (40)
KA DHIIBO FIKIRKAAGA KU AADAN WARBIXINTAAN
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have

