XOG-Al-shabaab oo u Kala Jabtay Daacish & Al-qacida

XOG-Al-shabaab oo u Kala Jabtay Daacish & Al-qacida

daajis.com:- Kooxda Al shabaab, ayaa Hogaankeedu wuxuu noqday mid aan ku jirin gacanta Hal Qof, tan iyo markii la dilay Hogaamiyihii Mayalka adkaa Axmed Godane Bishii September, 2014.

Kooxda ayaa waxay hadda isku haysataa inay ku biirto Daacish/ISIL, oo soo jeedatay hogaamiyaal badan oo Al shabaab kamid ah, kuwaasi oo uu kamid yahay Madaxa Amniyaatka Mahad Karatee, oo Madaxiisa Lacag Malaayiin Dollar dul-taallo.

Hogaamiyaha Cusub ee Al shabaab Axmed Diiriye, oo Dadka Soomaaliyeed wali wax badan ka aqoon ayaa ku dhegan Heshiiskii horey Kooxda ula gashay Al Qaeda, Sanadkii 2012, inkastoo taasi aan lagu waafaqsanayn.

Markii ay kasoo ifbaxday Daacish Syria & Iraq ayaa waxay soo jiidatay Kooxo badan oo Daafaha Caalamka ka dhisan oo Boko Haram & Al shabaab kamid yihiin, kuwaasi oo ay doonayso inay kusoo biiraan.

Warqad dhawaan Daacish usoo dirtay Hogaanka Al shabaab, ayaa abuurtay kala qeybsanaan cusub oo Hogaamiyaasha Kooxda dhexdooda ah, kuwaasi oo Labo u kala jabay.

“Waxay tahay sababta loola yaabayo haddii Al shabaab ku ubiirto Daacish? waa wax iska caadi ah waayo waxay u midoobayaan Cadowgooda,” sidaasi waxaa AFP u sheegay Hogaamiye Al shabaab ah.

Xaalad adag oo dhinacyada Militariga & Dhaqaalaha ayaa soo wajahday Al shabaab, markii laga soo saaray Degmooyin badan, oo ay kamid yihiin Muqdisho & Kismaayo kuwaasi oo Lacago badan kasoo gali jireen. (109)

KA DHIIBO FIKIRKAAGA KU AADAN WARBIXINTAAN


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada