Madaxweynaha oo Culimada ku booriyay inay faafiyaan fahamka Diinta Islaamka ee saxda ah

Madaxweynaha oo Culimada ku booriyay inay faafiyaan fahamka Diinta Islaamka ee saxda ah

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan culuma’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga wadahadlayay doorka culumadu ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka, ka hortagga kooxaha sida qaldan u adeegsada diinta Islaamka iyo cambaareyn weerarkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee Kenya, kaasoo lagu diley 148 qof oo arday u badnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke aya goob joog ka ahaa kulanka oo la isku dhaafsaday fikirado kala duwan oo ka mid ah sidii bulshada la gaarsiiyo fahamka diinta saxda ah, si shacabka loo bad baadiyo.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda iskaashi buuxa oo dhex mara culumada iyo dowladda, si kor loogu qaado fahamka saxda ee diinta.
“Waa muhiim in fikirka bulshadeennu uu noqdo mid saliim ah oo dadka iyo dalkeenna lagu badbaadin karo, weerarkii waxashnimo ee ardayda lagu laayay ee Gaarrisa ka dhacay, waxaa geystey kooxo diinta Islaamka meel uga dhacay, iyagoo doonaya inay colaad abuuraan. Hadafkeennu waa in aan dalalka deriska ah nabad ku wada noolaanno, si taas loo gaarana waa lagama maarmaan in aan wadashaqeyno culumada”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


Culumada oo kulanka ka hadlay ayaa taageeray fikirka Dowladda, isla markaana sheegay in ay diyaar u yihiin wacyi gelinta bulshada, kor u qaadista fahamka diinta saxda ah ee Islaamka iyo inay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada