Shirgada Apple Oo Oo Bilaabaysa Iibinta Saacad Cusub Oo Laga Isticmaali Karo Viber Iyo Whatsapp

Shirgada Apple Oo Oo Bilaabaysa Iibinta Saacad Cusub Oo Laga Isticmaali Karo Viber Iyo Whatsapp

daajis.com:-shirgada appleShirkadda Apple ayaa soo saartay saacad sida mobile ka loo isticmaalaayo, waxaana lagu shubay saacadaasi programs ay ugu shaqaynayso sida mobile ka oo kale, gaar ahaana waxa laga isticmaali karaa adeegyada wada sheekaysiga ee Viber-ka iyo Whatsapp-ka.

Saacadan ayaan weli soo gelin suuqyadda caalamka, taas oo keentay in suuqa lagu sii daayo xayeysiiskeeda, gaar ahaana TV-yadda waaweyn,waxaana la rajaynayaa inuu qiimeheedu noqdo mid aad u sareeya,iyada oo lagu qiyaasay lacagta ay ku bilaabmi doonto $17 million oo lacagta Maraykanka ah.

Shirgada Apple ayaa jimcihii ku dhawaaqday in ay bilaabayso iibka saacadihii ugu horreeyey ee ay samaysay oo lagu magacaabo Apple Watch waxa aanu qorshaheedu yahay in ay 24ka Abriil 2015ka oo ku beegan toddbaadka soo socda ay si rasmi ah saacaddan u soo geliso suuqyada sagaal dal oo kala ah, Australia, Canada, China, France, Germany, Hong Kong, Japan iyo UK iyo Maraykanka.


Saacadan ayaa loo sameeyey website u gaara ,taas oo lagu xayeysiinaayo, waxaana la yidhaahdaa Web-kaasi Mixyourwatch.com,kaas oo laga heli karaayo sawirkeeda iyo hababka loo isticmaalaayo.

Saacadan ayaa ah mid fududayn doonta siday sheegeen in laga helo waxyaalaha bulshadu isticmaasho ,gaar ahaana Facebook-ga,Viber-ka iyo Whatsapp-ka intaba,kuwaas oo si sahlan loo isticmaali karaayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada