Soomaalida Minneapolis oo ka Mudaaharaaday Xiritaankii 6-da Dhalinyaro (Sawirro)

Soomaalida Minneapolis oo ka Mudaaharaaday Xiritaankii 6-da Dhalinyaro (Sawirro)

daajis.com:- Soomaalida degan dalka Maraykanka ayaa isugu soo baxay Magaalada Minneapolis, kuwaasi oo ka cabanaayay Sida ay Ciidamada Amaanka dalkaasi ula dhaqmaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo Maalmo ka hor Magaaladaasi lagu xiray 6 dhalinyaro oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ku biiri rabeen Ururka Isis oo ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dadkii Goobta isugu soo baxay ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin in dib loo siiyo xuriyadda walaalahooda, maadaama aysan jirin dambiyo cad oo lagu haysto dhalinyaradaasi.




Qoysaskan dibadbaxa sameeyay ayaa cambaareeyey wax kasta oo keeni kara aargoosi iyadoo loo sababeynaayo xariga loo geystay dhallinyaradan waxayna ka codsadeen in carruurtooda ay caddaalad helaan si wiilashooda dambiyada loo heysto loogu helo ama lagu waayo.

Urur u dooda xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isku raaceen iney dhigaan dibad-bax nabadeed kaasoo ay uga cabanayaan xariga loo geystay wiilashan waxayna ka codsadeen xaakimiinta dalka Mareykanka iney la yimaadaan warbixin lagu kalsoonaan karo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada