C.C.C oo ka hadlay qorshaha maamul u samaynta Hiiraan & Sh/dhexe

C.C.C oo ka hadlay qorshaha maamul u samaynta Hiiraan & Sh/dhexe

daajis.com:- Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke , Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in Xukuumaddiisa ay dadaal ugu jirto dhismaha Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

C.C.C ayaa sheegay in marka lasoo gaba gabeeyo, kana mira dhaliyaan shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, la guda geli doono arrinta maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Maamul u sameynta Gobollada dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shirka waxa uu ka furmay Cadaado, guul ayayna xukuumadda u tahay in shirka uu ka furmo cadaado waayo waqti ayay nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in waqti dhaw ay wax ka soo baxaan, waxaana noo qorsheysan in aan guda galno dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

DF, ayaa dadaal xoogan ugu jirta dhamaystirida maamul u samaynta Gobolada dalka kahor intaan la gaarin sanadka 2016-da, maarkaasoo lagu wado in dalka doorasho ka dhacdo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada