Ciidamada AMISOM oo faarujiyay saldhig ay ku lahaayeen Jannaale

Ciidamada AMISOM oo faarujiyay saldhig ay ku lahaayeen Jannaale

daajis.com:- Ciidamada AMISOM oo fariisin Milatari ku lahaa deegaanka Jannaale ee G. Shabeelaha Hoose, ayaa lagu soo waramayaa ineey halkaasi faarujiyeen.

Dadka deegaanka ayaa Warfaafiye u xaqiijiyay, in 3 saldhig oo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada AMISOM gabi ahaanba isaga baxeen.

Lama oga sababta ay uga baxeen iyo halka ay aadeen.

Taliyaha-Amisom-Afgooye-4

Ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugnaa, ayaa maalmahaanba waday urursiga agabkooda Milatari.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Siidii, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay bixitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana uu sheegay in DF aysan la socon bixitaanka ciidamada AMISOM.

Bixitaanka ciidamada AMISOM ka baxeen Degmada Jannaale, ayaa waxay halis weyn ku tahay amaanka qeybo kamid ah G. Shabeelaha Hoose, maadama al-shabaab aysan wali ka fogeen deegaanada ay ka baxeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada