Khilaf cusub oo soo kala dhex galay Itoobiya iyo Kenya

Khilaf cusub oo soo kala dhex galay Itoobiya iyo Kenya

daajis.com:- [RBC] Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa mar kale isku carooday,kaddib markii diyaarad siday madaxweynaha Kenya loo diiday inay dul marto hawada Itoobiya taaso ku sii jeeday dalka Marekanka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku safrayay diyaarad nooca dagaalka ah ayaa loo diday inuu dul maro hawadda Itoobiya,taaso tagi lahayd magaalada Dubai,sida ay baahiyeen qar ka mid ah warbaahinta.

Ma jiro wax ogaalshiyi ah oo Itoobiya laga siiya safarka madaxweynaha Kenya iyo inuu ku safrayo diyaarad dagaal isagoo dulmaraya hawada Itoobiya,taas ayaana keenta in lugu amro diyaarada inay ka dib u laabato.

Arrintan waxaa la sheegay inay ka timid qalad ka dhacay dadka ka shaqeeya diyaarinta safarka madaxweynaha,waxaana warbaahintu ku sheegtay inuu yahay fashil diblomaasiyadeed .

Madaxweynaha Kenya ayaa u yeeray safiirkii ka jooga waddanka Itoobiya ninkaas oo lugu magacaabo Katherine Mwangi,waxaa kalo madaxtooyada Nairobi looga yeeray taliyaha sirdoonka dalka Kenya Maj Jen Philip kameru iyo madaxa ciidamada cirka Kenya Jen.Samuel Bwit.

Mas’uuliyintan waxaa la waydiin doona cida ka dambeysay in sda loo qaabiyo safarka madaxweynaha Kenya oo doonayay magaalada Dubai inuu ku tago diyaaadii siday,halkaa oo u mid rakaab ah ka racai lahaa si uu u tago magaalada Los Angeles ee waddanka Marekanka oo u shir uga qayb-gali lahaa.

Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa dhankiisa war ka duwan midka ay baahisay warbaahinta shaaciyay waxuuna sheegay in diyaaradii madaxweynaha siday ay soo laabatay kaddib markii khatar loo arkay dulmarida hawada dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan,warkan ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyada ayaa la oggaaday inuusan xaqiiq ahayn oo afar (4) diyaarad oo rakaab ah u duuleen Dubai si nabad ahna ku tageen.

Itoobiya ayaa dhankeeda u dirtay waddanka Kenya guddi arrintan qaboojiyo,mana jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay khilafka diblomaasiyadeed ee labada wadan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada