daajis.com:- Sara Omar oo ah ayeeyada Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack Hussein Obama, ayaa waxay Arbacadii soo gaartay Magaalada Makkah, si ay u cumreysato.
Haweeneydan oo 90 sano jir ah, ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinaaya wiil ay dhashay iyo wiil kale, oo ay ayeeyo u tahay, laguna kala magacaabo Saeed iyo Mousa Obama.
Sahra Omar, ayaa kolka ay dhameysato gudashada Cumrada waxay booqan doontaa qabriga Nebi Muxammed (Caleehi Salaatu Wasalaam).
Mar ay la hadleysay Saxaafadda, ayaa waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashadeeda Magaalada Makkah, ayna tahay wax raaligelinaya nafteeda.
Warbaahinta Sacuudiga, ayaa si weyn wax kaga qoreysaa booqashada ay haweeneydaasi ku tagtay Magaalada Barakeysan ee Makkah.
Rasuulkeena (NNKH) Waxa uu yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cumrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaah
dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo, oo loo dambi dhaafo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at