daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa maanta sheegtay dil magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsana Baarlamaanka dawladda Puntland.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdicaziiz Abuu Muscab oo waraysi siiyey Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay dilka iney fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Ururkooda.
Sheekh Cabdicaziiz Abuu Muscab ayaa ku sheegay Ujeedada ay u dileen Allaah u naxariiste Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen ay tahay inuu kamid ahaa Baarlamaanka Puntland ku dhaqma qawaaniita shisheeyaha.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ayaa xusay in xildhibaanku qeyb ka ahaa Xildhibaano horay u diyaariyey nidaamka ay ku shaqeeyaan Ciidanka la dagaalanka argagaxisada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si adag u Cambaareeyey dilka magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen.
Kooxda dilka Xildhibaanka geystay ayaa ku dhex toogtay gaari uu saarnaa ,waxaana uu daqiiqado ka hor u kasoo baxay Isbitaal uu baaris Caafimaad u tagay maanta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at