Ururka Al-Shabaab oo sheegtay qarixii gaariga UN-ka ee magaalada Garoowe

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay qarixii gaariga UN-ka ee magaalada Garoowe

daajis.com:- Weerarkii saakay subixii lagu qaaday gaari ay leeyihiin shaqaalaha UN-ka ee magaaladda Garoowe ayaa waxaa masuuliyada weerarkaasi sheegtay Ururka Al Shabaab.


Qaraxan ayaa ahaa mid shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobay loogu soo qariyay gaariga dhexdiisa, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Hay’adda UNICEF ku lee dahay Magaalada Garoowe.




Wakaaladda Wararka Reuters ayaa waxay goor dhow shaacisay in weerarkan ay ku dhinteen 9 qof, toddobo ka mid ahina ay yihiin Soomaali, halka labada kalana ay u dhasheen dalka Kenya.

Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay fuliyeen weerarka uu dhiigga badani ku daatay.

Yuusuf Cali oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, ayaa sheegay in qaraxu uu u muuqday mid lagu sii diyaariyay gaariga, lagana hagaayay remote-ka gacanta, sidaana waxa uu u sheegay wakaaladda Warrarka ee Reuters.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada