VIDEO:- Warar Dheeraad ah oo ka soo Baxayo Qaraxii Magaalada Garoowe

VIDEO:- Warar Dheeraad ah oo ka soo Baxayo Qaraxii Magaalada Garoowe

daajis.com:- Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa booqday Madaxwene ku xigeenka Maamulka Puntland mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji (Camey) waxa uuna warbixin ka dhagaystay afhayeenkii Booliska ee goobta ku Sugnaa, kadibna waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga sii gudbay cisbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe, halkaas oo la gaarsiyay dhaawacydada iyo maydadka dadkii geeriyooday.

Mudane Camey ayaa Wuxuu booqashadii ka dib magacaabay gudi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan rasmi ah ku sameeya dhacdadan.



Gudigaan oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore
2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle
3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali
4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf
5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi.

Dawladda Puntland ayaa Sheegtay inuusan falkaani wax saamayn ah ku yeelandoonin amniga iyo kala-dambeynta maamulka Puntland.

Xaalada magaalada Garoowe ayaa hadda ah mid deggan, iyadoo saakay magaalada la soo dhoobay Ciidamo Amniga ilaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada