daajis.com:- Ciidamada sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ballaaran ka sameeyay xaafadaha Muqdisho qaarkood, iyadoo ay beegsanayeen shaqsiyaad gaar ah oo lagu raad joogay iyo howlgal baaris isugu jiray.
Howlgalkan oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha, Geed Jaceyl, Siinaay iyo Afarta Jardiino ayaa mudadii uu socday waxay ciidamada kusoo qabteen labo qof oo looga shakisan yahay inay ka danbeeyeen dilkii Labo Guddoomiye Waaxood oo labo maalin ka hor lagu dilay Degmooyinka Dayniile iyo Xamar Jajab.nisa-sirdoon
Wasaaradda amniga qaranka ayaa sheegtay in howlgalkan daba socday dilal labo maalin ka hor loogu geystay Muqdisho Labo Guddoomiye Waaxood iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowladda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

