VIDEO:- Qalalaaso Ka Taagan Dalka Ciidamada u Soo Diray Soomaaliya ee Burundi

VIDEO:- Qalalaaso Ka Taagan Dalka Ciidamada u Soo Diray Soomaaliya ee Burundi

daajis.com:- Ciidamada amaanka ee Dalka Burundi ayaa laba qof oo banaan baxayaal ka mid ahaa toogasho ku dilay, falkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada dadka kala erya.

Banaanbaxayaasha, ayaa dhegxaan ugala hortagey Ciidanka Booliska, kadib markii ay ku soo faafeen goobihii ay ku banaanbaxayeen. Dowladdu waxay horey digniino kaga soo saartay banaanbaxyada.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ka careysan yihiin in markii saddexaad uu doorashada madaxtinimada dalkaasi isku soo sharaxo Madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo xisbigiisu uu u doortay in mar saddexaad uu hogaanka dalku u tartamo.

Dastuurka Burundi, ayaa wuxuu qeexayaa in Madaxweyuhu uu xilka u tartami karo laba jeer oo keliya, sidaasi daraadeedna waxay mucaaradku ku doodayan in Dowladdu, ay inqilaab ku sameysay Dastuurka.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada