daajis.com:- Wabiga Shabelle ee mara gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in uu ku fataho deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe,Hiiraan iyo Sh/hoose kadib markii ay roobabkii guga ay ka curteen dalka.
Wabiga ayaa waxa uu haatan wadaa biyo faro badan iyadoo biyahaasna ay halis u yihiin inuu qararka jabsadaan. Cabirka biyaha wabiga gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo meelaha qaarkoodna uu bilaabay in ay biyaha siimow ahaan ugaga baxaan wabiga.
Wararka ka imanaya tuulooyinka ku hareereysan wabiga ayaa sheegaya in waxgaradka iyo dhalinyarada ay heegan galeen sidii ay ugaga hortagi lahaayeen in wabiga uu fatahaad sameeyo.
Deegaanka Baarey ayaa dadka degen waxa ay saaka ka warheleen iyadoo wabigu korshub ka sameynayo kanaal ku yaal halkaas waxana ay ku guuleysteen inay xiraan korshubka wabiga uu ka waday halkaas.
Sidoo kale waxaa cabsi laga dareemayaa xaafado ka mid ah degmada Mahaday iyo magaalada Jowhar gaar ahaan xaafadaha saaran wabiga sida xaafada Kacaanka ee degmada Mahaday iyo xaafadaha Kulmis iyo Horseed ee magaalada Jowhar.
Biyo dhinaca hoose ka soo baxay ama siimow ayaa maqribnimadii lagu arkay meel u dhow garoonka kubbada cagta ee magaalada Jowhar waxaana halkaas gaaray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Jowhar.
Sidoo kale cabsida ah in wabiga uu fatahaad sameeyo ayaa waxaa laga soo sheegayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna biyaha wabiga haatan yihiin kuwo maalinba maalinta ka dambaysa kordhayaan maadaama roobabkii guga ay da’ayaan.
Wabiga Shabelle ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa uu ka fatahayay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyadoo fatahaadana ay qasaare xoog leh gaarsiiso beeraha ku yaal gobolka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:49 and have
, Published at